Tanzania oo ku baaqday si-caddaalad ah in loo qeeybiyo deeqaha dalkeeda la keeno

 Madaxweyne Kikwete iyo Mr Rutte

Madaxweyne Kikwete iyo Mr Rutte
Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Kikwete ayaa ugu baaqay ururada aan dowliga ahayn in ay qaab caddaalad ah u bixiyaan deeqaha ka yimaada dhinaca dibedda.

Mr. Kikwate ayaa hadalkan bixiyay mar uu kulan la qaatay ra’iisal wasaaha dalka Netherlands Mark Rutte, President Kikwete.

Wuxuu yiri waddamada deeqaha bixiya waxaa looga baahan yahay in qaab caddaalad ah ay u bixiyaan deeqaha dalkiisa ay keenaan.

“Waxaa fiicnaan lahayn haddii aad tahay maamulaha hey’adda aan maxaliga ahayn ee in aad wax ku bixiso qoraal ama dadka loo soo bandhigo dhaqaalaha ku baxay si loo ogaado wax yaabaha lagu qabtay iyo dhaqaalaha ku baxay.

“Waxaa jirta cabashooyin badan oo ka immaneysa dadka wax la siiyo , marka hey’addaha waxaas bixiyay si wanaagsan waxbo uma maareen,” ayuu yiri madaxweyne Kikwete.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu Africa ay u baahan tahay kaalmo fursad ganacsi

“Africa weli waxa ay u baahan tahay caawinaad si u dhisato awooda iyo xittaa fursado ganacsi loo abuuro,”.

Madaxweyne Kikwete iyo Mr Rutte ayaa ku celiyay ka go’naan shiyaha in ay sii wadi doonaan danaha iyo wadashaqeenta kala dhexeeya labawadan si looga faa’ido dadka labada waddan fi’idooyinkia jirra.

Shir jaraa’id ay wadajir u qabtay markii uu soo dhammaaday kulan madaxweyne Kikwete iyo xubno kale oo katirsan dowladiisa ay kulan qaateen dalka Netherland madaxda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay boqaradda dalkaas Prince Clauses, taasoo seygeeda Queen Beatrix, uu ku soo barbaaray magaalada Lushoto uuna booqday Tanzania, waxaana wiilkiisa uu sheegay dhawaan in Tanzania uu yahay meesha ugu quxurda badan adduunka.

Madaxweyne Kikwete ayaa sheegay in shirkaddo badan oo Dutch ah in ay ka howlgalaan dalka Tanzania, kuwaasoo badankooda ka shaqeeya beeraha, balse waxaa jira qaar abdan oo ka shaqeeya warshaddaha laga soo saaro saliida iyo Gaaska.

Mr Kikwete ayaa u mahadceliyay dowladda Netherlands taasoo sii wada taageerada iyo ballan qaadka dhinaca wadashaqeenta ee kala dhexeeysa dalkiisa.

Wuxuu sheegay in safaaradi Tanzania ee Hague la xiray in dib loo furi doono.

Dhinaciisa, ra’iisal wasaare Rutte ayaa sheegay in dowladda Netherlands ay aad ugu faraxsan tahay xiriirka kala dhexeeya Tanzania wuxuuna ballan qaaday in ay siii wadi doonaan taageerada.

Wuxuu yiri wafdiga dalka Tanzanian waxaa fursad u ah in ay soo booqdaan dalka Netherlands Wuxuu sheegay in ay iska ilaalin doonaan qaladaad ka dhacay dalka Netherland intii lagu guda jiray 70-tameeyadii iyo 80-ta meeyadii.

Wasiirka ganacsiga dalka Netherlands ayaa u ballan qaaday madaxweyne Kikwete iyo dowladiisa in kaliye Hollan kaalmo kaliye ay ku koobnaan doonta balse ay xiriir dhinaca ganacsiga la saxiixan doonto dalka ku yaalla geeska Africa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here