Talyaaniga oo ka dalbay dowlada KMG in ay kala cadeyso siduu ku dhacay qaraxi Tiyaatarka

Safiirka Dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya André Marcela ayaa ugu baaqay dowlada KMG Soomaaliya in ay kala cadyeso in qaraxi Tiyaatarka Qaranka ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah Hey’adaha Dowlada iyo sidi uu ku yimid.

André Marcela oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho kadib marki uu kulan la qaatay Ra’isulwasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay dowladiisu ay dooneyso faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaasi.

“Waxaan la kulmay Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana si buuxda u taageereynaa baaritaanada socda waxaana kuu sheegayaa in baaritaankan uu sii socon doono,” ayuu yiti  André Marcela.

Waxa kale oo uu ka dalbay dowlada in wixi kasoo baxay baaritaankaasi banaanka lasoo dhigo oo ay dadka oo dhami wada ogaadaan, xitaa hadii shaqsiyaad ka tirsan dowlada lug ku leeyihiin.

Dhanka kale wuxuu sheegay André Marcela dowlada Talyaaniga ay qorsheyneyso in ay mashaariic ka fuliso koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday dayactiro ay ku sameyneyso garoomada diyaaradaha ee Galkayo iyo Bosasso iyo qaar ka mid ah saldhigyada booliska ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.