Talyaaniga iyo Spain oo usoo gudbay wareega 8-da ee Euro 2012

Xulka Talyaaniga ayaa xaqiijiyey inuu gaaray wareega 8-da ee koobka Qaramada Yurub kadib marki uu xalay 2-0 uga badiyey xulka Jamhuuriyada Ireland, halka Spain iyaduna ay 1-0 ku suul daartay Croatia.

Talyaaniga wuxuu u baahnaa guul halka kooxda qaran aee Republic of Ireland ay mar hore hartay kadib marki la garaacay labadi kulan ee ugu horeeyey wareega koowaad.

Ireland waxay ciyaarta ku bilaabatay dar dar iyada oo qorshaheeduna ahaa in ay badiso, hase yeeshee waxaa gool uga naxsaday qeybti hore ee ciyaarta Antonio Cassano oo madaxa ku dhaliyey koorne uu soo laaday Andrea Pirlo.

Talyaaniga waxay ku sigteen in la bar bareeyo kadib marki uu si dirqi ah uu goolhaye Gianluigi Buffon uga badbaadiyey laad xor ah oo uu ku shuuday Keith Andrews.

Andrews qudhiisa ayaa dhabar jab ku noqday Irish-ka kadib marki dibada loogaga saaray ciyaarta, ka hor inta uusan Mario Balotelli gool qalaama rogad ah ku qaloocin goolka Ireland.

Dhanka kale xulka Spain ayaa daadka ku daray kooxda qaranka ee Croatia marki ay ku garaaceen 1-0, iyadoo goolkana ay dhaliyeen dhamaadki ciyaarta oo uu u saxiixay Navas.

Hada Talyaaniga waxay sugayaan mid ka mid ah xulalka England, Franca ama Ukraine oo caawa soo kala bixi doona.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.