Tallaalka cudurka dabeesha oo laga billaabay Puntland

Waxaa shaley ka billowday deegannada Puntland tallaalka cudurka dabeysha ee carruurta ay da’dooda ka yar tahay shanta sano, kaasoo la sheegay in muddo shan cisho ah uu socon doono.

Xaflada looga dhawaaqay in la billaabay talaalka cudurka dabeesha ayaa waxa ay ka dhacday xarunta caafimaadka maamulka Puntland ee magaalada Garoowe,waxaana halkaas ka hadlay masuuliyiinta caafimaadka iyo dhaqaatiirta.

Koox dhaqaatiir ah oo talaalka fulinaysa ayaa ka ambabaxday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxayna talaalka gaarsiinayaan magaalooyin iyo tuullooyin dhowr ah.

Madaxa xafiiska Puntland ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Dr Cali Cabdi Ciise ayaa sheegay in 6 sano kaddib cudurka dabeysha lagu arkay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, isla markaana wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland iyo hay’adaha la shaqeeya ay ku dedaalayaan sidii uusan cudurka u gaari laheyn Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa kooxaha fulinaya tallaalka kula dardaarmay in si wanaagsan ay u gutaan howsha loo diray, isagoo walaadiintana ka codsaday in ay la shaqeeyaan kooxaha caafimaadka.

Horrey ayaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in la billaabay tallaalka cudurka dabeesha ee carruurta da’dooda ay ka yertahay shan sanno.

Hey’adda caafimaadk adduunka ee WHO ayaa dhawaan sheegtay in kiisas labo ah oo muujinaya in cudurka dabeesha uu ka jiro Soomaaliya ayaa lagu arkay magaalooyika Muqdisho iyo Baladwayne sidoo kale ilmo yer oo uu ku dhacay cudurka dabeesha ayaa lagu soo bandhigay xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here