Taliyihii Qeybta Booliska Mudug Maamulka Puntland oo Is Casilay

taliyahaWaxaa saaka ku dhawaaqay inuu Xilkiisii iska casilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Mudug Maamulka Puntland Cabdullaahi Shire Dhool isagoo faah faahiyey sababta uu isku casilay.

Taliye Cabdullaahi Shire Dhool waxa uu sheegay in si geesinimo leh ucadeynayo xilkii uu uhayey maamulka Puntland inuu iska casilay.

C/llaahi Dhool waxa uu tibaaxay kadib markii uu arkay culeysyo shaqadiisa ah inuu isku casilay islamarkaana uu noqonayo nin la xasuusan doono shaqadii uu qabtay iyo qaabka geesinimada ah ee uu shaqada iskaga tagey.

Waxa loo badinayaa is casilaada Taliye Cabdullaahi shire Warsame Dhool ay soo dadejisay kadib falal amni daro oo Gaalkacyo ka dhacayey labadii bilood ee lasoo dhaafay ayna wax ka qaban waayeen Ciidanka Booliska Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here