Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Suuqa Bakaaraha oo la Dilay

Wararka aan ka helayno suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu toogtay taliyihii suuqa Bakaaraha ee ciidamada Dowladd Soomaaliya.

Dilka Max’ed  Sokorey  Aflow taliyihi ciidamada Dowladda Soomaaliya ee suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka dmabeeyay kooxo hubaysan kuwaasi oo durba ka baxsaday goobta dilka ay ka geesteen.

Ciidmao isugu jira Booliis iyo Nabadsugida ayaa goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray kuwaasi oo meesha ka sameeyay baaritaano kala duwan oo ammaanak ay ku xaqiijiniyaan ayna ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay dilka taliyaha.

Rasaas ayaa la sheegay inay huwiyeen Sarkaalkaan isla goobtii ku geeriyoodey  ayna ka carareen ragii dilka u geystey , balse ay meesha soo gareen ciidamao farabadan oo iskugu jira Booliis iyo Nabad sugid  oo meeshii ka qaadey ka dibna bilaabey howlgalo.

Ilaa hada majirto cid loosoo qabtay dilka loo geestay taliyihii ciidamada Dowladda Soomaaliay ee suuqa Bakaaraha muddooyinkii dambana ku howlana burburinta goobaha gancsi ee sharcidarada Suuqaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here