Taliyihii Ciidamada DFS ee G.Hiiraan oo Muqdisho ku xiran

640x480xTawane-Axmed-Gurey.jpg.pagespeed.ic.rfJ4WEyymNSida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa xabsiga dawlada ee magaalada Muqdisho ku xiran taliyihii ciidanka dawlada ee gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gurey.

Col. Tawane ayaa la sheegay in toddobaad ka hor uu soo gaaray magaalada Muqdisho ka dib markii wasaaradda gaashaandhiga ay u yeertay inuu yimaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee markii uu yimid ayaa xabsiga la dhigay.

Sida ilo wareedyada ay sheegayaan xariga Col. Tawane waxaa lala xiriirinayaa dilkii dhowr bilood ka hor magaalada Beledweyne loogu geystay sarkaal hore uga tirsanaa militarigii dawladii hore Col. Xaashi Diiriye oo lagu eedeeyay inay khaarajiyeen ciidamo dawlada ka tirsan oo xilli habeenimo ah ku weeraray gurigiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka Col. Xaashi Diiriye ay la xiriirtay xil dhanka ciidamada ah oo loo dhiibi lahaa ka hor dilkiisa, waxaana si weyn loogu eedeynayaa dilkaasi inay wax ka ogaayeen saraakiisha ciidanka ee kusugan gobolka Hiiraan.

Xariga Col. Tawane ayaa hadda galay toddobaadkii koowaad, lamana oga waxa xigi doona iyo in eedeynta loo heysto la geyn doono maxkamad ciidan.

Col. Tawane Axmed Gurey ayaa noqonaya sarkaalkii ugu derejada sarreeyay ee loo xiro dilkii Col. Xaashi Diiriye ee lagu dilay Beledweyne horraantii bishii Disembar ee sanadkii tagay.

Xigasho:RBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here