Taliyihii ciidamada Asluubta oo xilka laga qaaday laguna xukumay xabsi daa’in.

Maxkamada Ciidamada Qalabka side ee Soomaaliya, ayaa maanta fadhi ay isugu timid qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska iyo Kuwa Milatariga waxay isugu dartay xil kaqaadis iyo xukuno Xabsi.  Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka-Sida Liibaan Cali Yarow oo xukunka maxkamada ku dhawaaqay ayaa sheegay in saraakiisha la soo eedeeyay uu ka mid ahay taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil.

Maxkamada waxay ku dhawaaqday in sarkaalka lagu xukumay;-

– Maxkamada waxay sarkaalkan ka saartay ciidamada dawlada
– Waxaa laga xayuubiyey derejadii ciidanka uu ka hayey
– Waxaa laga mamnuucay qabashada wax xil ah ciidamada qalabka-sida.
– Waxaa lagu xukumay xarig xabsi daa’in ah inta noloshiisa ka hartay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku soo koobay eedeymaha loo heystay sarkaalkan kuwo la xiriira khiyaano qaran iyo gacansiin kooxo ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale waxay maxkamada ay xukun xarig iyo derejo ka qaadis ku riday agaasimihii garsoorka ee maxkamada ciidamada Xasan Liibya oo isaguna lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay xubno Al Shabaab ka tirsanaa oo la siiyey kaararka aqoonsiga ciidamada dawlada iyo qaar maxaabiis ah oo la siidaayey.

Bilihii u dambeeyay ayaa saraakiisha dawladu waxay aad u hadalhayeen maxaabiis qaarkood ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab oo laga siidaayey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho  iyo xabsiga Baydhabo oo labaduba ay maamusho dawlada.  Sidoo kale waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in musuqmaasuqa weyn uu hareeyay xabsiyada dowlada, oo dadka la soo qabto lagu kala bedesho lacago aad u fara badan oo saraakiisha ay qaataan.

Lama oga in xukunka maxkamada ciidamada ay maanta ku riday sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka asluubta uu la xiriiro tuhunadaasi iyo in kale.

Waxay maxkamadu sheegtay in saraakiil kale oo ciidamada ka tiraan iyana dhowaan la xukumi doono marka la soo dhameystiro eedeymaha loo heysto.

Maxkamada Ciidamada ayaa maxkamad qaada dacwdaha la xiriira ciidanka iyo kooxaha hubeysan ,waxaana ay horey u gaartay xukuno kala duwan oo ay ku jiraan dilal ay ku xukuntay askar ciidamada ka tirsan oo falal xadgudubyo ah u geystay dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here