Taliyihii ciidamada Amisom Fred Mugishi oo xilka laga qaaday

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtoyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in la bedelay taliyihii ciidamada Amisom Fred Mugisha oo bartimihii sanadkii hore noqday taliyaha ciidamada Amisom.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in la magacaabay taliye cusub oo hogaamin doona howl galka Ciidamada AMISOM kaasoo waayoaragnimo weyn u leh hogaaminta ciidamada.

Madaxweyne Musaveni ayaa u magacaabay  Museveni  Taliyaha AMISOM Andrew Gutti oo dhowaan bedeli doona Taliyaha xilkan haya Major Jne. Fred Mugisha.

Taliyaha xilkan loo magacaabay Andrew Gutti ayaa   waxa uu si toos ah u hogaamin doonaa Ciidamada ka socda Brundi, Jabuuti, Kenya iyo Ciidamada la filayo inay ka yimaadaan wadanka Seira Leone.

Taliyahan cusub ayaa noqon doona taliyihii labaad ee muddo sanad gudahood loo soo magacaabo AMISOM, iyadoo howl galka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay hogaankeeda hayaan dalka Uganda.