Taliyihi saadka ciidanka dowlada oo ku dhintay dagaalada ka socda Muqdisho


Taliyihi qeybta saadka ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dagaalo saakay ilaa iyo xiligaan ka socda magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw saraakiisha dowlada, waxaa ku dhintay dagaalki saakay Saciid Daahir Xaashi kaasi oo ahaa mid ka mid ah taliyaasha ugu muhiimsanaa ciidanka dowlada.

Ma jirto wali war lagu xaqiijiyey dilka taliyaha oo kasoo baxay dowlada KMG Soomaaliya oo ku aadan dhimashada taliye Saciid.

Dhanka kale afhayeenka AMISOM oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay dagaalka kaga dhaawacmeen ilaa iyo laba askari.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com