Taliye Xaamud oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga+Sawiro

12493707_10207949225759427_8803601530165628282_oTaliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Celalattin Lekesiz oo ay ka wada hadleen xiriirka iyo wadashaqeynta labada talis Booliis ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xoghayaha koobaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u sheegay Radio Muqdisho in taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed uu uga mahad celiyey walaallaha Turkiga taageerrada ay siiyaan ciidammada Booliiska iyo guud ahaanba dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sheeh Xasan Xaamud ayaa kormeeray xarunta safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga iyo xarummo kale oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here