Taliye u dhashay Burundi oo maanta la wareegi doona Howlgalka Ciidamada AMISOM

11144314693_a74d3e4baa_oMaanta oo Isniin ah 12/16/2013, ayaa lagu wadaa in Taliye u dhashay Dalka Burundi uu si rasmi ah ula wareego Hogaanka Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM).

Taliyahaan Xilka la wareegaya, ayaa waxaa lagu magacaabaa Silas Ntigurirwa, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa Gen. Andrew Gutti, oo isna u dhashay Dalka Uganda oo ah Dalka ugu badan ee ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Hadii uu Taliyahaan maanta la wareego Taliska Sare ee AMISOM, waxay noqon doontaa markii ugu horeeysay ee Taliye kasoo jeeda Burundi uu qabto jagadaan tan iyo markii 2007 ay AMISOM soo caga dhigatay Soomaaliya, waxaana Dalka Burundi lagu tiriyaa dalka 2aad ugu badan ee ay Ciidamo kajoogaan Soomaaliya, sidoo kale Ciidamada Burundi, ayaa lagu sheegaa ineey yihiin kuwo ka aqlaaq wanaagsan, ka geesisan xaga Dagaalka, marka lala bar bar dhigo Ciidamada Uganda.

Xaflada lagula kala wareegayo Xilka, ayaa waxaa lagu wadaa ineey ka dhacda Xaruunta Xalane oo ah Saldhiga ugu sareeya ee Ciidamada AMISOM, waxaana ka qeyb gali doona Madax kasocota AMISOM, iyo Doowlada Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here