Taliye AMISOM ah oo loo heysto Musuq maasuq

2014_12$largeimg219_Dec_2014_084129097Taliyihii hore ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Michael Ondoga ayaa difaacay sargaal ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo horey loogu eedeeyay inuu shidaal ay ciidamada Midawga Africa lahaayeen.

Michael Ondoga waxaa uu sheegay in sargaalka loo haysto inuu shidaal dad shibil ah oo Soomaaaliyeed uu ka iibsaday ee la yiraahdo Col. Xassan Kimbowa inuu yahay shaqsi howlkar ahaa oo aan laga filan karin inuu wax musuq maasuqo.

Sargaalkaan mar xukukumi jiray ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxaa uu sheegay in saraakiishii ay Soomaaliya ka wada shaqeeyeen inay ku adkayd inay shidaal iibsadaan ama ay wax is daba mariyaan.

Col. Xassan Kimbowa oo taliye u ahaa guutada 11,aad ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM waxaa lagu eedeeyay inuu ganacsato Soomaaliyeed ka iibsaday 2,400 oo liter oo shidaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here