Mogadishu :Taliyaha NISA oo Cadaadis saaray saraakiisha Nabad Sugidda

Taliyaha ciidamada sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali [Sambaloolshe], ayaa wuxuu cadaadis saaray saraakiisha NISA.

Cadaadiska la saaray saraakiisha NISA ee gobolka Banaadir ayaa la xiriira inay la socdaan dhaqdhaqaaqa iyo howlaha ciidamada NISA ka sameynayaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale saraakiisha ayaa loogu  baaqay inay kormeeraan goobaha ciidamada NISA ay ka sameynayaan baaritaanada ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabad sugida ayaa fariisimo ka sameystay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyaga oo baaritaano ka sameynaya xaafadaha iyo gadiidka adeegsanaya.

Ciidamada ammaanka ayaa shaqada ay kordhiyeen waxaa laga dareemayaa ammaanka Magaalada Muqdisho oo si joogto ah weeraro Shabaab ay uga gaysan jireen.

Laakiin falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka Shabaab ay hadda gaystaan ayaanan aheyn kuwa sidaa  ugu badan Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here