Taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir oo ugu baaqay dhalinyarada Alshabaab ee Sh/hoose inay isa soo dhiibaan

Taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsanayd ururka Alshabaab inay isu soo dhiibaan ciidamada dowlada.
Taliyaha nabad sugida gobolka banaadir Gen.Khaliif  Axmed ereg  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay degmada Afgooye iyadoo lagu soo bandhigey goobtaan labo dhalinyaro ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab balse haatan isku soo dhiibay ciidamada dowlada.

Ereg ayaa shirkiisa jaraa’id ee u ku qabtay afgoye ku sheegay in maalin walba ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ee dhawaan la geeyay gobolka shabeelada hoose  maalin walba ay isa soo dhibaan labao ama saddex dhaliynaro ah oo hore ugu dagaalami jirtey Alshabaab.
Khaliif Axmed Ereg ayaa ugu baaqay dadka ku nool shabeelada hoose inay ciidamda kala shaqeeyaan xasilinta  goobaha gacnta looga dhigay alshabab.

Ma aha markii ugu horeysey ee uu Khaliif Ereg ka hadlo degmada Afgoye isagoo xilkiisu uu yahay taliyaha Nabadsugida gobolka Banaadir, waxana aysoo bandhigidan ku soo beegantay xilli xalay weeraro bambaanooyin ah lagu weeraray maqaaxi ay ku sugnaayeen dad rayid iyo ciidan isugu jira halkaa oo tiro aan la xaqiijin oo isugu jira ciidamo iyo dad rayid ah ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here