Taliyaha militariga Islaamiga ah ee Pakistan oo u digay Dalka ‪‎Iran‬.

c5224ce9-1fcf-4cd9-819d-26d6dbbd79e2_16x9_788x442Taliyaha ugu sareeya ciidamada Milatariga Pakistan Raheel Sharif, ayaa kacaanka Iiraan uga digay in hadii ay faragaliyaan ama ay weerar kuq aadaan Boqortooyada Sacuudiga ay Pakistaan ka bixin doonto jawaab aad u adag.

Raheel Sharif, ayaa hadalkaan ka sheegay kullan uu maanta la qaatay dhaxal sugaha ahna wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga Mohamed Bin Salman.

Taliyaha ciidamada Pakistaan, ayaa ku cel celiyay in dalkiisa marnaba uusan raali ka noqon doonin in Iiraan ay faragaliso arimaha mandiqada gaar ahaan sacuudiga.

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhiga Boqortooyada Sacuudiga, ayaa Pakistaan ku amaanay sida ay ula dagaalantay kooxaha Argagixisada, waxaana uu ballan qaaday in Sacuudiga uu dhanka amniga ka taageeri doono Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here