Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska oo maanta si rasmi ah ula wareegay Xilka Sawiro

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed looga fadhiyo xiligaan isbadal cusub oo la jaanqaada marxalada ay taagantahay doowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana hadalkaan uu RW kaga dhawaaqay munaasabad uu maanta xilka kula wareegayay taliyaha Cusub ee Booliska kana dhacday xaruunta dugsiga Sare ee Booliska (General Kaahiye).

“Hogaanka cusub ee aan u magacawnay ciidamada difaaca iyo amniga dalku wuxuu qeyb weyn ka yahay dadaalka aan ugu jirno sugida amniga iyo isbadalka cusub ee aan ku doonaynno inan si buuxda ugu xasilino dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii xil wareejinta ee ka dhacday dugsiga tabo-barka ciidanka ee General Kaahiye loona yaqaano (Scuola Polizia).

RW Soomaaliya, ayaa sidoo kale hogaanka cusub ee Booliska ugu baaqay ineey la yimaadaan karti iyo howl karnimo ay wax uga qaban karaan dhinaca horumarinta amaanka iyo Cadaalada.

“Waxaanu ka sugeeynaa in amaanka iyo kalsoonida qofka Soomaaliyeed ay horumarto, in cadaalada iyo dowladnimadu ay dhamaan degmooyinka iyo gobolada Soomaaliya si siman u wada gaarto, in qof walbo xaqiisa uu meeshiisa ku helo…” ayuu yiri RW Saacid.

Gen. Sharif Shiikhuna ayaa labo sano ahaa taliyaha CBS, waxaana lagu amaanay inuu qeyb weyn ka qaatay dib-u dhiska ciidanka oo mudadii uu taliyaha u ahaa sadex jibaarmay tiro ahaan. Taliyaha oo munaasabadii ka hadlay waxaa uu sheegay in loo baahan yahay qorshe sare loogu qaadayo tayada iyo tirada ciidanka si loo gaarsiiyo shaqabada ciidanka wadanka oo dhan.

“Waxaan soo dhaweynayaa taliyaha cusub ee CBS, waxaana rajaynayaa in Illaahay u fududeeyo masuuliyada weyn ee uu qaaday. Waxaan kula dardaarmayaa inuu ka hawl-galo kordhinta tirada ciidanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayo ahaan,” ayuu yiri Gen. Sahriif Shiikhuna oo ku amaanay ciidanka sida ay naftooda ugu huraan sugida amaanka dalka iyo difaaca xuquuda shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa mahad gooni ah u soo jeediyay Gen. Sharif Shiikhuna oo uu ku amaanay wada-shaqeyntii ay lahaayeen lixdii bilood ee la soo dhaafay. Waxaana wasiirka iyo Ra’iisal Wasaaruhu goobtaas Bilad Sharaf ku gudoonsiiyeen Gen. Sharif Shiikhuna.

Gen. Saacid ayaa ah taliyihii 10 aad ee qabta jagada ugu sareysa CBS tan iyo markii la aas-aasay 1943 kii, oo ahaa xiliggii uu dalku gumaysiga ku jiray. Waxaana goobta xil-wareejinta laga xusay in Gen. Saacid abaahii Daahir waqti dheer u soo shaqeeyay ciidanka booliiska. Halka uu isna yaraan ku galay shaqada ciidanka illaa uu ka qabto hogaanka ciidanka.

“Waxaan mudnaanta kowaad siinayaa daryeelka ciidanka iyo cadaalad inaan u sameeyo. Askariga aan ku aaminayno masuuliyada illaalinta sharciga iyo amniga waa inuu xaqiisa helo, si aan uga guul gaarno la dagaalanka dambiyada iyo musuq maasuqa, una difaacno xuquuqda shacbigeena ee aan u dhaaranay,” ayuu yiri Gen. Saacid oo si rasmi ah xilka ula wareegay manta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadalkii uu ka jeediyay munaasabada xilwareejinta waxaa uu ku xusay taariikhda dheer ee CBS, iyo sida ay laf-dhabar ugu ahaayeen nidaamka dawligaa ee Soomaaliya. Waxaana uu sheegay inay lagama maar-maan tahay inay kaalintaas buuxiyaan sida ugu dhaqsaha badan. Asagoo intaas ku daray in taliska cusub la yimaado qorshe dhamaystiran oo lagu illaalinayo sharniga dalka, iyo amniga iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Hogaanka cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa horyaala howl culus oo ay kamid yihiin inuu wax ka qabto xaaladaha amaan daro ee mudooyinkii ugu danbeeyay kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ugu horeeyaan dilalka qorsheysan iyoq araxyada ismiidaaminta ah…

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here