Taliyaha cusub ee AMISOM oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Andrew Gutti kaasi oo maalmo kadibna u amba bixi doona dalka Ethiopia.

Afhayeenka AMISOM Pady Ankunda ayaa u sheegay wariyaasha magaalada Muqdisho in Mr Gutti uu u yimid Soomaaliya sidi uu wadatashi ula yeelan lahaa madaxda dowlada TFG-da iyo qeybaha kale ee beesha caalamka.

Mudo shan maalin ah kadibna waxaa lagu wadaa in abaanduulaha uu  u dhoofo magaalada Adis Ababa oo uu kula balansanyahay madaxda Midowga Africa, IGAD iyo dowlada Itoobiya.

“Taliyaha wuxuu halkaan u yimid inuu wadahadal iyo wada tashi la yeesho madaxda dowlada iyo qeybaha kale ee beesha caalamka,”

Afhayeenka AMISOM ayaa dhanka kalana sheegagay in howlgalka AMISOM uu sii jitri doono ilaa nabada Soomaaliya lasoo celiyo kaasi oo ah buu yiri wajigiisa labaad mid uu hogaamin doono Andrew Gutti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.