Taliyaha ciidanka Puntland ee Galgala oo la dilay

Col.Jaamac Saciid Warsame oo weerar lagu dilay
Col.Jaamac Saciid Warsame oo weerar lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, ayaa sheegaya in halkaas galabta lagu dilay taliyihii ciidanka aaga Galgala Col.Jaamac Saciid Warsame ”Afgadud”

Korneelka ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar lagu soo qaday xili uu u socday deegaanka Sugure oo ay ciidanka Puntland ku sugan yihiin.

Col.Jaamac ayaa marayay xiliga weerarka lagu soo qaadayay inta u dhaxaysa Laag iyo magalada Boosaaso waxana sidoo kale ku dhintay askari ka mid ah ilaaladiisa mid kalena waa ku dhaawacmay.

Marxuumka ayaa loola soo cararay magalada Boosaaso xarunta Gobalka Bari hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya inuu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray weerarka  oo la aamisan yahay inay ka danbaysay kooxda Alshabab.

Maamulka Puntland wali kama aysan hadlin dilka Afgaduud inkastoo maydkiisa lasoo gaarsiiyay magalada Boosaaso.

Ma jirfto cid sheegatay dilka taliyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here