Taliyaha Booliska Banaadir oo ka warbixiyay qaraxii Xalane

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi oo Wrabaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka warbixiyay sida uu ahaa weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Bishaar,waxaa uu sheegay in 13 Qof oo ay ku jiraan Labad Qof ee is qarxisay iyo qaar ka mid ah ilaalada Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho ay ku dhinteen weerarkaasi,waxaana uu sheegay in 5 kale oo ay 2 ka mid ah yihiin Ciidanka NISA uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/Kaamil Macallin Shukri,ayaa sheegay in 9 ka mid ah Ilaalada Qaramada Midoobey iyo Ciidanka AMISOM ay ku dhinteen weerarka,kuwaas oo aysan ka mid ahayn dad Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here