Taliska Nabadsugida oo wacad ku maray ka hortaga cid waliba oo ammaanka Muqdisho dhibaataynaysa

Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa sheegtay inay ka hortagayaan cid waliba oo ammaanka Magaalada Muqdishi lidi ku ah islamarkaana waxyeelaynaysa.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ciidanka Nabadsugida ay hada seefta gasha kala baxday islamarkaaana cid waliba oo lagu sheego inay ammaanka Magaalada Muqdisho lidi ku tahay ay gacanta kusoo dhigayaan.

“Ciidamada Nabadsugida qaranka waxaa ka go’an inay soo qabtaan cid waliba oo ammaanka Muqdisho qal qalgelinaysa uma dulqaadan doono meelkasta oo ay joogaana waan ugu tagaynaa” Ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir.

Ereg ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida Had iyo gooraale ay sameeyaan howlgal lgu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho laguna ugaarsanayo dadka dhibaatada Gobalka ka wada.

Al-Shabaab ayuu sheegay inay meesha ka baxday awoodoodii ku aadan dagaalada ee Gobalka Banaadir islamarkaana ciidamada dowladda Soomaliya aysan weerar toos ah kusoo qaadi karin mid dhuumaleysi mooyee.

Hadalka Taliska Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir wuxuu kusoo aadaya xilli shalay ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay soo bandhigeen rag shabaab ka tirsan iyo meydka rux ay ku sheegeen amiir ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here