Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo Dhalinyaro Nool,Hub iyo Ruux Meyd ah Muqdisho kusoo Bandhigay

Taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir Khaiif Axmed Ereg oo maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada muqdisho ayuu usoo bandhigay dhalinyaro nool,hub kala duwan iyo ruux meyd ah.

Khaliif Axmed Ereg waxa uu sheegay in dhalinyarada oo gaarayey ku dhawaad 20 qofood ay kasoo qabteen degmada heliwaa qaarkoodna gacanta lagu dhigay iyagoo dagaalamaya.

“16-kaan dhalinyaro iyo hubkaan waxay nabad sugidu kasoo qabteen qeybo ka mid ah degmada Heliwaa,waa xaqiiq inay shabaab ahaayeen qaarkoodna waxaan soo qabanay iyagoo dagaalamaya ayuu saxaafada usheegay Ereg”.

Qaar ka mid ah dhalinyarada maanta lasoo bandhigay oo saxafiyiintu su’aalo weydiiyeen ayey sheegeen inay been abuur tahay al shabaab inay ka mid ahaayeen si cod dheer ahna ku sheegeen waa been al shabaab ma nihin.

Taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa sidoo kale saxaafada waxa loogu soo bandhigay meel ka mid ah masaajidka isbahaysiga islaamka meydka wiil dhalinyaro ah oo al shabaab lagu sheegay islamarkaana la dilay xalay iyadoo Midnimo.Com uu saaka daabacay in ruuxaas ahaa qof rayid ah sida dadka deegaanka sheegeen.

Qoryo mirir ahaa iyo bistoolado ayaa saxaafada sidoo kale maanta loo soo bandhigay kuwaasi oo laga soo qabtay xaafado kuyaalla degmada Heliwaa waxaana arintaasi ahayn midii ugu horeysay oo hub iyo dhalinyaro nabad sugidu soo bandhigaan.

Dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Taliska Nabad sugida gobolka banaadir waxay saxaafada muqdisho usoo bandhigeen dhalinyaro al shabaab lagu sheegay iyo hub ay ku dagaalami jireen ururka Al shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here