Taliska milatariga oo balan qaaday soo qabashadi gacan ku dhiiglihi dilay Wariye Xiis

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Generaal C/kariin Yuusuf Dhagabadan ayaa balan qaaday in ay so qaban doonaan ninki ka danbeeyey dil maalin ka hor Muqdisho loogu geystay wariye C/salaan Xiis.

Generaal Dhagabadan oo xalay shir jaraa’id ugu qabtay wariyaasha shir jaraa’id ayaa sheegay in dowlada KMG ay ka go,antahay inuusan si nabad ah magaalada ku dhex marin gacan ku dhiiglaha, isaga oo intaasi ku daray in taasi ay keeni karto in wado u furantay kuwa beegsado saxafiyiinta.

“Cidi falkaasi suubisay cid kasta ha noqotee waa la daba joogaa waana lagu raad joogaa gacan ku dhiiglahaasi, waxa uu wax u geystay qaranka Soomaaliyeed ee shaqsi kaliyah waxba uma geysan, arinntaan hadaan wax laga qaban waxay noqoneysaa arin wuxushnimo ah iyo wado ku faranto wariyaasha,” ayuu yiri Mr Dhagabadan.

Wariye C/salaam Xiis, waxaa dilay nin ku labisnaa dareyska ciidamada xilli uu baabuur uu watay dhiganayey meel u dhaw hotel Madina ee magaalada Muqdisho.

Shalay ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho, waxaana lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi ee degmada Wardhiigleey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.