Taliska CXDS oo sheegay ineey dhawaan qaadayaan duulaan

Askarta ciidamada Soomaaliya oo jooga Muqdisho.
Askarta ciidamada Soomaaliya oo jooga Muqdisho.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Lixdanaad ayaa sheegay in deegaannada Al-shabaab ay kaga suganyhiin gobollada Baay iyo Bakool dhawaan laga xoreyndoono.

General Ibraahim Yarow taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xaaldda ammaan ee gobolada Baay, Bakool iyo Gedo ay wanaagsantahay, wuxuuna sheegay in kooxda tirada yar ee maleeshiyadda Al shabaab ay mararka qaar isku dayaan iney xabado magaaladda banaankeeda ay kasoo ridaan isagoo tibaaxay ineysan xiligan wax cabsi ah ka jirin deegaannadaasi.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda horjoogaha kooxda Al shabaab Muqtaar Rooboow oo ay mabda’ ahaan isku dhaceen horjoogaha kale ee taladda kooxdan isku soo koobay ee Axmed Cabdi Godane, wuxuuna tilmaamay taliyaha in ay ka warqabaan deegaanka uu rasmi ahaaan u joogo goordhowna ay qorsheynayaan howlgal ka dhan ah maleeshiyadan tirade yar deegaannadda ay ku dhuumaaleysaneyso.

Dhanka kale taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in wada shaqeyn ay kala dhaxeyso odayaasha dhaqanka deegaanka, wuxuuna ka codsaday qeybaha bulshadda gobolladaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si kooxdan inta dhiman dalka looga saaro.

Taliska qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka howlgala gobolada Baay, Bakool iyo Geddo ayaa muddooyinkan dambe waxaa uu waday howlgalo lagu cirib tirayo kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab kuwaas oo intooda badan laga cirib tiray gobollada dalka Soomaaliya marka laga reebo deegaanno qaar oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Xigasho:RM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here