Taliska ciidanka Dowlada oo ku baaqay in la gargaaro dadka ku nool Shabeelaha

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dhagaban ayaa ugu baaqay hey’adaha gargaarka in ay kaalmooyin gaar siiyaan dadka ku nool deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Dhagabadan oo la hadlay warbaahinta ayaa qeylo dhaan ka muujiyey xaalado nolol xumo oo ay ku jiraan dadka ku nool deegaanada NO:50, NO60 iyo Awdheegle oo dhamaanba ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Deegaanadaasi qaarkood waxaa dhawaan qabsaday ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana Dhagabadan uu balan qaaday in amaanka gargaarka ay sugi doonaan hadii hey’adaha samafalka ay halkaasi wax geynayaan.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah kuwa ugu dadka badan Soomaaliya uguna qeyraadka badan ayaa ah mid ka mid ah goboladi ugu darnaa ee ay ku dhifatay abaarti dhawaan ka dhacday Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here