Taliska ciidanka dowlada oo ka warbixiyey dad labisnaa dareyska ciiidanka oo la qabtay

Taliyaha gaaska koowaad ee milatariga dowlada, General C/laahi Caanood ayaa sheegay in ciidankiisu ay gacanta ku dhigeen 58 ruux oo labisnaa dareyska ciidanka.

Mr. Caanood ayaa sheegay in ay soo gaartay cabasho badan oo kaga timid shacabka, kadibna ay ka sameeyeen howlgalo xaafadaha ku taxan Jidka Warshadaha isla markaana ay qabteen rag ku labisnaa dareyska ciidanka oo dhac iyo kufsi ka geystay.

“Maalmahan shacabka dhawaqa kasoo yeerayey waan dhageysanayey, aagaas waxa ku jira waa ciidankeyga sida Suuqa XOolaha, Hurwaa iyo Yaaqshiid, waxaa soo baxay sadex dhib, waxaa ka mid ah qof aaan ciidan aheyn oo dharki milatariga wata, waxaan qabtay 58 ruux oo aan booliksa u dhiibay, dadkaas qaar waxaa lagu soo eedeeyey kufsi, qaarkod waxay dhaceeyn dad qaarna tuuganimo toos ah ayey ku jireen,” ayuu yiri Caanood.

Hadalka Mr Caanood ayaa ka danbeeyey kadib marki ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka ku nool degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.