Taliska Booliska oo ka Hadlay Qaraxii ka Dhacay Muqdisho

Taliska Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay qarax ay dad rayid ah wax ku noqdeen oo ka dhacay wada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdulaahi Xasan Bariise oo ka mid ahaa saraakiil ciidamada dowladda ka tiarsan oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta uga warbixiyey qaraxaasi isagoona Sheegay  in qaraxa ay wax ku noqdeen dad rayid ah islamarkaana sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacamay ayaa ahaa raakaab la socday gaari BL ah oo marayay goobta qaraxu uu ka dhacay kaasi oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo ciidamo AMISM booliis ah oo goobta marayay.

Afhayeenka Ciidamada booliska ayaa sheegay in gaariga is qarxiyay taargadiisu ay aheyd AB 5143 waxana uu ku eedeeyay in ay qaraxaasi ay ka danbeeyeen Xarakada Al Shabaab ee ka soo horjeeda dowladda.

Muqdisho ayaa goordhow waxa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacabka ah oo gaabta marayey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here