Taliska Booliiska oo ka Hadlay Howlgal Ciidanka ka Wadaan Muqdisho

Taliska Booliiska Gobalka Banaadir aya faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidamada Booliiska ay ka wadaan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Axmed Xasan Maalin Taliyaha ciidamada Booliiska Gobalka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska Howlgal ballaaran ay ka wadaan guud ahaan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay in inta ay ku guda jiraan howlgalka lagu xaqiijinayo ammaanka Gobalka Banaadir ciidamada Booliiska ay soo qab qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab o Muqdisho gudaheed ku dhuumaaleeysanye.

“Howlgalka wuu socdaa waana mid ammaanka lagu xaqiijinayo wuuna si socon donaan ilaa aan ka xaqiijino ammaanka Gobalka Banaadir”Ayuu Yiri Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa wuxu sheegay in baaritaano ay ku socdaan cidii ka dambeysay qaraxii ka dhacay Meel ay dhigtaan Baabuurta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo ku dhaw xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho taasi o ay ku xaqiijinayaan ammanka Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here