Taliska AMSIOM oo Sheegay in Hagaagsan tahay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo AFgooye

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya Cali Aadan Xumad oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay dardar galinayaan xaqiijinta  ammaanka wadada xiriirisa  Muqdisho Iyo Afgooye.

waxa uu sidoo kale sheegay Taliyaha ciidamada AMSIOM in haatan si rasmi ah u xaqiijiyeen amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo AFgooye oo ciidamada maalin walib ay ku sameeyaan roondooyin joogta ah oo ay ku baacsanayaan dhalinyarada falalka amaandari ka wadada wadadaasi.

Afhayeenka AMISOM mar uu ka hadlaye ammaanka Magaalooyinka Baydhabo iyo Beladweyne wuxuu sheegay inay si buuxda u xaqiijiyeen islamarkaana hada AMISOM ay qorsheynayso weeraro ay ku qaadaan Gobalada dalka Soomaaliya ee ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya Cali Aadan Xumad ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in si weyn ay u taageersan yihiin dowlada cusub ee soomaaliya haatan majaraha loo aasay.

Hadalkaan ka soo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo soo hagaageyso amaanka wadada xiriirisa Muqdisho iyo AFgooye. walow ay jiraan falal ka hor imaanaya amaanka oo mararka qaarkood ka dhaca wadooyinkaasi,

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here