Taliska Amisom oo Sheegay in isbaarooyinkii Naladweyne Yaallay Dhamaanba la Qaaday Digniina Jeediyey

Kulan amaanka looga hadlayey oo ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo Taliska Amisom ee kusugan Baladweyne ayaa waxa looga hadlay arimo amaanka lagu gorfeynayey.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee kusgan magaalada Baladweyne Cusmaan Dubad oo ka hadlayey kulankii dhacay ayaa waxa uu sheegay in lagu guuleystay isbaarooyinkii yaallay magaalada B/weyne oo dadka lagu dhibaateyn jiray.

Cusmaan Dubad waxa uu sheegay inaysan ogolaan doonin in magaalada baladweyne ay yaallaan isbaarooyin dadka iyo baabuurta lacago sharci daro ah looga qaado sida uu yiri islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cidii isku dayda inay isbaaro dhigato.

“Waan ku guuleysanay inan isbaarooyinkii aan ka dhameyno magaalada Baladweyne waxaana idiin sheegayaa in dadka isku daya inay isbaarooyin dhigtaan in gacan bir ah lagu qaban doono ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Jabuuti Cusmaan Dubad”.

Kulankaasi amaanka looga hadlayey ee kusugan magaalada Baladweyne ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu weynaa ee looga hadlo amaanka oo lagu qabto magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here