Talefonka Iphon4 oo leh sheebaar lago ogaanayo gooryaanka

Culimada ama seynisyahanada adduunka ee soo saaray Talefonka IPHONE 4, ayaa shaa shaaca ka qaaday in la adeegsan karo qalab lagu baarayo gooryaanka.

Qalabkan ayaa la sheegay in lagu baari karo gooryaanka carruurta iskuulka dhigata, taasoo markii ugu horreysay laga sameeyay dalka Tanzania ee ku yaalla geeska Africa.

Baaritaankan ayaa la sheegay in uu suuragalinaayo, in lagu sameeyo taleefonka Iphone4 qaab sheybaar ah, iyadoo lagu xiraayo qalabka Microsoobka8$.

Qalabkan ayaa la sheegay in uu suuragalinaayo sawirrada yer yer in lagu qaado ee saxarada, taasoo keeneysa Microsoob.

Sidaas marka lasameeyo, waxaa uu suuragalinayaa in uu ka jawaabo qaab qoraal ah, taasoo uu ka soo saarayo taleefonka Iphone4.

Culimada soo saartay daraasadan, ayaa sheegtay in ukumaha yer-yer ee gooryaanka caloosha taasoo calaamad ugu wayn uu mujinaayo awood taleefonka in loo adeegsado sheybaar ahaan.

Seynisyahanadan ayaa ka dhawaajiyay, in baaritaanada lagu sameeyay, taleefonka Iphone4 ay ku ogaadeen inuu awood u lee yahay in soo saaro jaawabaha laga qaado Sheybaarka, iyadoo waliba uu sax yahay.

Natiijadda daraasada lagu sameeyay Iphone4, waxaa lagu soo daabacay maanta oo Jimca ah, wargeyska American Journal of tropical and medicine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here