Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhamaaday Badda u dhaxeysa Italy iyo Masar

0B9C50C400000578-3545004-image-a-1_1460937576705In ka badan 400 oo tahriibiyaal ah ayaa doonyo ay la socdeen waxaa ay kula degeen badda Mediterranean oo u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kadib markii afar doomood oo si xad dhaaf ah loo raray ay ay ku degeen badaasi kuwaas oo ka yimid dalka Masar kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

Tahriibiyaasha ayaa la sheegay in ay intooda badan ay ahaayeen dad Soomaali ah oo dhalinyaro u badan inkastoo ay ku jireen kuwo u dhashay dalal kale sida Ehtiopia iyo Eritrea.

2859694C00000578-3545004-image-a-3_1460937998251

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in doonyaha ay dadka Soomaalida ah la socdeen ay degeen isla markaana aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee la socday doonyaha.

Wararka ayaa sheegay in 29 ruux ay ka badbaadeen doonyaha ku degay badda Mediterranean.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here