Tahriibayaal Soomaali iyo Ethiopian iskugu Jiro oo Gacanta Lagu Dhigay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee xaruunta gobbolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ey gacanta ku dhigeen dad tahriibiyaal ah.

Tahriibayashan ayaa gacanta lagu dhigay ka dib hawlgal ciidamadda ammaanka ay ka sameyeen xeebaha Magaaladda Boosaaso.

Cismaan Xasan Afdalow Taliyaha Ciidamadda Booliska Gobbolka Bari  ayaa saxaafadda u sheegay in dadkani tahriibka ah ay isugu jiraan Soomaali iyo Ethopian.

Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in dadkani ay ku sii jeedeen Dalka Yeman si ay ugu sii gudbaan Dalka Sacuudiga.

Deegaanadda Maamulka Puntland ayaa ka mid ah  meelaha inta badan ay ka tahriibaan dhalinyaradda Soomaalidda.

Sikastaba Soomalida iyo Itoobiyaanka ayaa ku si qul qulaya xeebaha magaalada Boosaso iyagoo doonaya in ey halkaas ka tahriibaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here