Tahriibayaal African ah oo ay ku jiraan Soomaaliya ayaa gaaray Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa sheegay in tahriibayaal African ah oo ka yimid dalka Libya, in ay soo gaareen xeebaha dalka Talyaaniga iyo Jaziirada leh ee Malta.

Dadkan ayaa lagu sheegay tiradooda 342-qof, waxaana ku jirra Soomaali kuwaasoo la geeyay xarun lagu dadka soo galootiga oo ku taalla jasiiradda Lampadusa.

Dadkan waxaa ku jirra 82-qof oo la soo badbaadiyay kuwaasoo safar dheer soo galay.

Waxaa ku jirra Soomaali ay ka mid yihiin 10-haween ah oo uur leh iyo kuwa watta ilmo socod barad ah.

Si kastaba ha ahaatee, tobannaan kun oo qof ayaa gaaray xeebaha Talyaaniga tan iyo markii Tunisia ay ka dilaaceen kacdoon bishii January sannadkii 2011-kii.

Qaar badan oo dadkaas ayaa la sheegay in ay ka soo cararay arrimo siyaasad, kuwa kalena waa ay raadinayaan dhaqaale.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here