Tafaasiil kasoo baxday qaraxi ismiidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay Muqdisho

Inta la ogyahay 11 ruux ayaa ku geeriyootay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala eegtay maqaayad dhabarka ku heysa Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay galabta abaaro 5:00 ayaa la sheegay in uu fuliyey qof naftii hure ah oo watay gaari, hase yeeshee taliska ciidanka booliska gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in baabuurka qarxay uu ahaa mid loogaga tagay afaafka hore ee maqaayada.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Colonel Axmed Xasan Maalin oo wariyaasha kula hadlay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qofka qaraxa ka danbeeyey uu la sugay ilaa laga soo badanayo oo ay dadku isugu imaanayaan maqaayada oo galbihi lagu shaaho.

Maqaayada qaraxu ka dhacay ayaa waxaa isugu yimaada galab walbaa xildhibaano, siyaasiyiin, shaqaale ka tirsan dowlada iyo dad rayid ah halkaas oo ay ku sheekeystaan, waxaana loo maleeynayaa in bartilmaameedka ay ahaayeen xildhibaano.

Sida uu sheegay Mr Maalin, qaraxa waxa ku dhaawacmay 15 kale oo la gaarsiiyey cisbitaalada magaalada Muqdisho, waxaase ku jira qaar xaaladooda caafimaad ay liidato.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay, balse dowlada waxay ku eedeysya in ay ka danbeeyaan xarakada Al Shabaab.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.