Tafaasiil kasoo baxday qaraxi degmada Wardhiigleey

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax galabta lala eegtay dad fara badan oo doonayey in ay daawadaan ciyaar final ah oo ka dhici laheyd degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey, Deeqa C/qadir Axmed oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in qaraxa ay geysteen kooxo cadaw ah oo doonayey in ay baabi,iyaan dhamaan dadki kasoo qeybgalay ciyaarta.

Waxay xaqiijisay dhimashada 2 ruux oo ka mid ahaa dad ku sugnaa barxada Ex-minishiibyo ee degmada Wardhiigleey oo ay ka dhici rabtay ciyaarta ka hor inta uusan qaraxa miino dhicin.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 ruux oo rayid ah, waxaana jira tiro dhaawacya ah oo la geeyey cisbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Marwo Deeqa ayaa sidoo kale sheegtay in uu jiro qarax labaad oo ay ciidamada dowlada ka qaadeen afaafka garoonka kaasi oo la geeyey saldhiga degmada Wardhiigleey.

Ma jirto cid sheegatay qarxyada, waxaana qaraxaasi dhimashada sababay dartiis u baaqday ciyaarta oo dhexmari laheyd kooxaha Maxamuud Xarbi iyo Walaalaha Barafka kuwaasi oo isugu soo haray finalka tartan xaafadeed ay soo abaabuleen odayaasha deegaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.