Tacsi Allaha Ha U Naxariisto Marxuum Dhuub Ali

Dhuub AliRa’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam , Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda ,Xoghayaha joogtada , agaasimayaasha guud,agaasimayaasha waaxyaha,Safiirada,Qunsulada iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan eheladda,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Abdulkadir Aden Ali ” Dhuub” oo 08 November 2013 ku geeriyooday qarax ay abaabuleen kooxda nabad-diidka ah oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Makka Almukarama ee Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Abdulkadir Aden Ali ” Dhuub” waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, isagoo loo magacaabay Xiriiriye diblomaasiyadeed (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK , kahor inta aaney labada dowladood saxiixan Xiriir laba geesood ah.

Marxuum Dhuub Ali oo da’diisu aheyd 51 sano-jir, ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur .

Dhamaan Bahda Midnimo waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamana eheladii, qarabadii iyo bulsha weynta Soomaliyeed marxuumkana waxaan leenahay Ilaah ha u naxariisto Janadii fardowsana Ilaah ha ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here