Tabarihi Villarreal oo geeriyooday

Tababare Manolo Preciado oo shalay un loo magacaabay macalinka kooxda Villareal ayaa maanta geeriyooday kadib marki uu wadnaha istaagay.

Macalinkani 54 jirka ahaa ayaa u dhashay dalka Spain waxaana lagu xasuustaa hadalo badan oo uu saxaafada siin jiray gaar ahaan weerarki afka ahaa ee uu sanadkan ku qaaday macalinka Real Madrid Jose Mourinho oo uu u sheegay inuu barto sida dadka loo dhaqmo.

Warbaahinta dalka Spain ayaa ku warantay in macalinki hore ee kooxda Sporting Gijon uu xijaabtay saakay isaga oo u dhintay xanuun xaga wadnaha ah iyo virus uu mararka qaar bukaan socod la ahaa, Jimcaha ayaana lagu waday in uu saxaafada hor tago oo loo caleemo saaro xilka cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.