Tababbarrahii Banaadir SC oo shaqada ka tagay

Tababbarraha kooxda Banaadir Sports Club,Cabdiraxmaan Macallin Axmed (Teerra) ayaa shaqada isaga tagay, kaddib markii uu shir jaraa’id qabtay kuna faah-faahiyay waxyaabaha ku kalifay in uu ka tago kooxda hoggaamineysa horiyaalka koowaad ee dalka.

Wuxuu sheegay in uu socdo safar dalka dibediisa, isagoona u rajeeyay cayaartoyda iyo taageerayaasha kooxda in ay hantaan horiyaalka heerka koowaad ee sannadkan.

 

Xuquuqda Sawirka waxaa leh GoalFM
Xuquuqda Sawirka waxaa leh GoalFM

Macalin Teerra oo ka mid ah tababbarrayaasha ugu wanaagsan dalka ayaa sheegay in uu sii wadi doono shaqada kubadda cagta marka xittaa uu tago waddanka uu u socdo.

Wuxuu kaloo sheegay in uu jeclee kubadda cagta xilligii uu carruurta ahaa isla markaana uu ka soo gaaray marxalad kala duwan.

Teerra ayaa sheegay in kooxda Banaadir Sports Club oo ku cayaarta magaca maamulka Gobalka Banaadir aanu wax saameyn ah ku yeelan doono shaqada uu ka tagay.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Banaadir ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aanka uu shaqada uga tagay Macalin Teerra, waxaana ay ka codsadeen in uu la sii joogo illaa inta horiyaalka uu ka dhammaanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here