Tababbar la xiriira ammaanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

1656381_667227153316253_1547196822_nMagaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley lagu soo gabagabeeyay tababbar loo qabtay saraakiisha hey’addaha amamanka.

Tababbarkan ayaa la sheegay in looga gun lee yahay sida looga jawaabayo xaaladaha degdega ah uu ugu soo gebageboobay magaalada Muqdisho.

Waxaa tababarka fuliyay saraakiil ka socota dowladda Britain oo ku xeel dheer arrimaha ammaanka.

Afhayeenka madaxweynaha Injineer Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow ayaa BBC-da u sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay siddii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.

Wuxuu sheegay in saraakiisha tababarkan ka qayb galay ay ka faa’ideen wax yaabo fara badan oo wax tar u leh.

Wuxuu kaloo sheegay in dhawaan ciidamada dowladda ay qaadi doonaan howgallo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan.

Mar la weydiiyay Yariisow wixii Muqdisho ka dhacay labadii habeen ee la soo dhaafay wax yaabaha uu ka badali karo ammaanka caasimada, wuxuu tilmaamay in tababarka lagu soo bandhigay qaraxyadii ka dhacay London sannadkii 2001-dii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here