Tababarihi Fiorentina oo shaqada laga eryey lana ganaaxay sadex bilood marki uu feeray ciyaaryahan

Kooxda Fiorentina ayaa ceyrisay tababarahoodii Delio Rossi kadib marki uu feer la riday ciyaaryahanka qadka dhexe Adem Ljajic oo ay murmeen waxyar kadib marki uu soo badalay kulan ay xalay la ciyaareen Novara.

Adem Ljajic oo mar u dhawaaday inuu ku biiro Manchester United kadib marki ay la heshiisay kooxdiisi hore ee Partizan Belgrade ayaa ka xumaaday badal lagu sameeyey waxaana uu caay iyo cantuuf isugu daray tababaraha, taasi oo uu uga jawaavay Rossi inuu feero oo si xun loogaga qabto.

Gudoomiyaha kooxda Andrea Della Valle ayaa ku dhawaaqay go,aanka xilka loogaga qaaday macalinka isaga oo ku tilmaamay nin wanaagsan balse ku kacay fal aad u daran.

Fiorentina ayaa laga yaabaa in ay kiiska ciyaaryahan Ljajic la,aado gudiga caalamiga ah ee xaga anshaxa ah si dacwad loogu soo oogo.

Dhanka kalana gudiga aqlaaqda horyaalka dalka Talyaaniga ayaa ka joojiyey ciyaaraha mudo sadex bilood ah macalin Rossi sidoo kalana ganaaxay lacag dhan £12,000 oo u dhiganta (15,000 oo euros ah).

Ruqsada ku dhacday Rossi waxay ka dhigeysaa in horyaalka Talyaaniga sanadkaan oo kaliyah ay kooxaha ka dhisan ay eryeen ilaa iyo 19 tababare, tani waxay jabisay rikoorka ruqseynta tababarayaasha horyaalka Talyaaniga sanadki 1952-ki markaas oo kooxaha heerka koowaad hal xilli ciyaareed ay cayriyeen 15 macalin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.