Tababare Soomaaliyeed Oo Ku Guuleystay Horyaalka Sunday League Ee Dalka Austrelia + Sawiro

Iyadoo guulaha dhinaca Sportiga ee Ciyaaryahanada Soomaalidu ka soo hoynayaan dalka dibadiisu ay isasoo tarayaan, marka laga hadlayo ciyaaraha fudud iyo K koleyga,oo wiilal Soomaaliyeed ay ugu tartamaan dalalka ay dhalashadooda heystaan sida England,Sweden,Holand Canada,iyo USA,waxaanse shaki ku jirin in ka sokow  biladaha ay ku qaadeen magaca dalalkaasi,hadana guushooda ay tahay mid ay soomaalidu leedahay.

79

Tababare C/xakh Maxamed Axmed oo ah macalin Soomalaiyeed iminkana leyliya kooxda heerka 1-aad ee Jaguar Fc ee ka dhisan magaalada Perth ee western Austrelia ayaa taariikhda ka galaya meel sare markii kooxdaasi oo uu la joogo sanadkii 2-aad uu u qaadey Horyaalka Sundey-League Division 1 ee 2013.

Kooxda Jaguar Fc ee uu Macalinka xilkooda qabtey horaantii 2012 ayaa waxaa ay kooxda kusoo xigtey ee ay horyaalka kula loolameysay ee Noranda SC ka horeysaa 3 dhibic,iyadoo horyaalka kulamadii la dheelay urursatey 43-dhibic.

99

Xagaagii ugu horeeyey ee uu Macalim C/xakh qabtey xilka kooxda Jaguar FC waxaa uu keenay kaalinta 2-aad,iyadoo iminkana uu gacanta u geliyey horyaalka,taasi oo kooxdan oo dhisan mudo 50-sano ah si weeyn usoo dhoweeyeen maamulkeeda oo tababaraha la furey wada-hadalo ay ku doonayaan inuu heshiis kale la galo maadaama uu iminka ku egyahay heshiiskii 2-da xili ciyaareed ee uu kula jirey.

Tababare Cabdi Xakh oo si weyn u garanayaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed, ayaa sanadkii 2009 waxaa loo magacaabay macalinka ugu fiican markii uu ka qeybgalay tartankii jaalliyadaha ee Perth, 2010 wuxuu u suuragaliyay kooxda Soomaalida badan ay u ciyaarayeen ee ODAA FC inuu ka qeybgaliyo horyaalka  heerka 1-aad ee gobolkaasi, waxaana markaasi la gudoonsiiyey abaaal marinta ugu qaalisanayd ee (Best Coach of Tournament)

415

Tababare Abdi Xakh oo heysta shahaadada kubadda cagta ee heerka sadexaad  (Level 3) ayaa sidoo kale macalin u soo noqday kooxda Fremantle Spirit , ka hore intii uusan u soo wareegin Jaguar Fc,

Guulaha uu xiligan la gaaray kooxdaasi Jaguar FC kuma koobna oo keliya in kooxda sare uu u qaaday horyaalka,waxaa sidoo kale uu guulo waaweyn la sameeyey qeybaha Juniorka ee kooxda oo kaalinta 2-aad ka gashey qeybta Champion-ka ee qaaradda iyo dhalinyarada 16-sano jirka ee kooxda oo sidoo kale kula guuleystey Sunday League level 3.

Waxaana guulahaasi iyo dadaalka uu sanad waliba ka gaarayo leylinta kooxaha kala duwan,ay sababtey in xiriirka Kubadda cagta ee dalka Austrelia ay magaciisa ku daraan Tababaraasha ugu wanaagsan ee ku sugan qaaraddaasi iyagoo gudoonsiiyey shahaadooyin sare.

Mar aan weydiiyey waxa iminka u qorsheysan maadaama uu Jaguar FC ka dhamaadey heshiiskii uu kula jirey, ayaa waxaa uu ii sheegay in maamulka kooxda ay la fureen wadahadalo heshiis cusub kaga dalbayaan,walow ay lasoo xiriireen kooxo kale oo ka dhisan Perth iyo gobolada kale ee Austrelia.

Xigasho:RM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here