Tababare Capello oo Jecleestay in la isku soo beego Ruush-ka & England

Macalinka reer Talyani Fabio Capello ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa koobka adduunka 2014-ka in ay isku soo beegmaan xulka England.

Wuxuu kaloo sheegay in wax khilaaf ah uusan kala dhexeenin xiriirka kubadda cagta waddanka England ee Football Association.

Koobka adduunka ayaa sannadka 2014-ka waxa lagu qaban doonaa waddanka Brazil, waxana hadda socda tabaabusheesi ku saabsan siddii looga qayb qaadan lahaa koobkaas.

66-jirkan oo hadda macalin u ah kooxda Qaranka Ruush-ka ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in ay isku soo beegmaan kooxdiisii hore Ingiriiska.

Xiriirka kubadda cagta dalka Ingiriiska ayaa Arbacadii u dabaal dagay 150-sano guuradii ka soo wareegtay markii la sameeyay ururkaas.

Capello ayaa lagu casuumay xafladda loo sameeyay xiriirka FA-da, waana markii ugu horreysay ee uu booqday dalka Ingiriiska tan bishii February sannadkii hore 2012.

Wuxuu yiri “ Waxan jeclaan lahaa in Ruush-ka ay ku soo beegmaan kooxda seddaxda libaax marka uu billowdo koobka adduunka ee lagu qabanaayo waddanka Brazil.

Wuxuu yiri “Wax cabsi ah kama qabo xulka Ingiriiska waayo waa koox aan isbar garaneyno”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here