Tababaraha xulka Morocco oo raba inuu sii joogo

Macalinka xulka qaranka Morocco Eric Gerets ayaa sheegay inuu jecelyahay sii heynta xilka tababaraha, kadib marki uu ku dhacay in kooxda qaranka uu usoo saaro wareega sideeda ee koobka Qaramada Africa.

Morocco ayaa ka hartay tartanka Jimcihi aanu kasoo gudubnay kadib marki ay 3-2 ku lumisay xulka Gabon oo ka mid ah marti geliyaasha koobkan ciyaartaasi oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Libreville

Kooxda lagu naaneeso Atlas Lions ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan iyaga oo 4-0 kaga adkaaday dalka ay dariska yihiin ee Algeria oo ka mid ah xulalka loo saadaalinayo.

Laakin waxay ku qasareen ciyaarti furitaanka oo ay 2-1 ku lumiyeen Tunisia kadibna waxaa waxay ka badin waayeen Gabon oo dhamaadki ciyaarta gool ka xareysay taasi oo u dirtay Gabon wareega labaad.

Gerets, oo 86 kulan u saftay xulka qaranka dalkiisa Belgium mudadi uu ciyaartooyda ahaa, ayaa bishi July ee sanadki 2010 u saxiixay xulka Morocco waxaana la filayaa inuu sii leyliyo ilaa koobka Aduunka ee lagu dhigi doono Brazil sanadka 2014.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.