Tababaraha Tottenham oo muujiyey Xushmad uu uhayo Arsen Wenger

Tababaraha Kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa waxa uu ka hadlay Kulanka darbiga ah ee Caawa ka dhacaya London iskuna Arki doonaan naadiga ay isku magaalada yihiin ee Arsenal.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay inay iyagu mar kasta maanka ku hayaan oo ay ku rajo weyn yihiin guul ay ka gaaraan Arsenal oo caawa garoonka Emirates ay ugu marti yihiin.

m

Tababarahaan udhashay dalka Argentina Pochettino ayaa waxa uu tibaaxay inuu xushmad u hayo Macalinka Kooxda Arsenal Arsen Wenger kaasi uu ku amaanay inuu yahay tababare khibrad badan muddo sanado badana uu Arsenal soo leylinayey.

Arsenal ayaa caawa waxay marti soori doonaan garoonkooda Tottenham Saacadu markii ay tahay 7:30 fiidnimo xilliga Magaalada Muqdisho 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here