Tababaraha Malaga Pellegrini oo ku biiray Man City

Macalinka kooxda Malaga Manuel Pellegrini ayaa la sheegay in uu ku biiray kooxda Ingiriiska ka dhisan ee  Manchester City.

Sida uu baahiyay TV- ku yaalla Chile Pellegrini  ayaa la sheegay in uu noqon doono macalinka cusub ee kooxda City.

Sida uu baahiyay 24Horas.cl Pellegrini waxaa uu sii joogi doonaa inta ka harsan xilli ciyaareedkan kooxda Malaga, waxaana kooxdiisa ay kujirtaa horiyaalka kooxaha Yurub Champions League.

Kooxda ayaa ku jirta kaalinta afaraad horiyaalka dalka Spain La Liga.

Sidoo kale macalinka kooxda Malaga ayaa la sheegayaa in uu ku socdo kooxda Chelsea, sidoo kale wuxuu damacsan yahay kooxda  Juventus.

Waxaana arrintaas doonaya maamule Antonio Conte.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here