Tababaraha kooxda Man City Mancini oo caddeeyey in Tevez uusan amaah ku bixineyn.

Muranka ka taagan sidii ay kooxda Man City ku wareejin lahayd weeraryahanka reer  Arjantiin Carlos Tevez ayaa sii socda iyadoo tababaraha kooxda Man City uu mar kale ku celiyey in uusan si amaah ah ku bixin doonin laacibkan uu khilaafka kala dhexeeyo.

Kooxda AC Milan ayaa hore u soo bandhigtey dalabkeeda ku aadan Tevez iyadoo sheegtay inay ku dooneyso si amaah ah.

Weeraryahankan oo weli degen gurigiisa ku yaal dalka Arjantin ayaan jecleyn in uu ku laabto dalka Ingiriiska si uu mar kale halkaa ugaga ciyaaro.

Mancini oo ka hadlayay arrimaha ku aadan laacibka weeraryahanka ah ayaa yiri:

“Waxaan rajaynayaa in aan xal wanaagsan u heli doono Carlos,”ayuu u sheegay  Mancini warfidiyeenada.

“Waxaan dooneynaa in Carlos uu dib ugu soo laabto ciyaaraha kubbada cagta xalka ugu wanaagsana waa inaan iska iibino, mana ku deyn karno amaah Tevez.”

“Marka ay Manchester City  ay soo iibsanayso ciyaaryhan, waa inay bixiso lacag badan,”ayuu sii raaciyey Mancini.

“Laakiin marka aan dooneysno inaan iska iibino laacib waxa ay kooxaha kale ku rabaan amaah,taasna ma aha midwanaagsan.

“Manchester City waxay ka bixisey lacag badan Carlos muddo saddex sano ah inuu u ciyaaro.Milan,PSG,Inter,Juventus oo dhammaantood doonaya Carlos waa inay bixiyaan qiimaha lacagtiisa taas ayaana ah mid sax ah.”ayuu ku soo gabagabeeyey Mancini oo weli aan dooneyn in amaah uu ku bixiyo weeraryahanka reer Arjantiin ee Carlos Tevez.