Tababar caafimaad oo la siinaayay howlwadeedana ciyaaraha ayaa la soo gabagabeeyay

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, lagu soo gabagabeeyay tababar la siinaayay howlwadeenada dhinaca ciyaaraha ee dalka.

Tababarka ayaa billowday 8-dii bishan May 2013-ka, waxaana la qaybgalay ugu yaraan 45-qof oo ay ku jiraan lix dumar ah.

Tababarkan ayaa waxaa sxoo qaban qaabiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana inta badan ka qaybgalay arday jaamacadaha ama xarumaha caafimaadka ka barta cilmiga caafimaadka iyo kuwa kale oo u shaqeeya laan qayrta cas.

Xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo gabagabadii tababarka oo ka dhacay Hotel Saxafi ka hadlaayay ayaa sheegay in xiriirkooda ay aad ugu faraxsan yihiin in magaalada ay ku qabtaan tababar looga hadlaayo horrumarinta dhinaca caafimaadka,

Wuxuu kaloo sheeegay Carab in xiriirka uu doonayo siddii dalka loogu faahfaahin lahaa xiriirka dhinaca caafimaadka maadama 21-sanno dagaalo uu ka socda dalka.

Madaxa koorsada bixinaayay Dr. Cabdulaahi Xuseen kana tirsan guddiga xiriirka kubadda cagta Soomaaliya gaar ahaan dhinaca caafimaadka ayaa kula dar-daarmay ardayda koorsada qaatay in ay ka dhabeeyaan hirgalinta iyo dabakhida wax yaabaha la baray.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble oo iska ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa sheegay in  tababarka oo socday labada cisho in uu ahaa midkii ugu ballaarnaa ee xiriirkooda uu qabto, kaasoo looga gun lee yahay siddii loo horrumarin lahaa xagga caafimaadka.

Tababarkan ayaa waxaa door wayn ka qaatay hey’adda kubadda cagta maamusha adduunka ee FIFA, waxaana uu ahaa tababar ay looga gun lee yahay siddii FIFA howlaha caafimaadka loogu ballaarin lahaa caafimaadka

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here