Taariikhda gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare (6 maalin kahor wuxuu ahaa garyaqaanka guud ee S.land)

Guddoomiyaha-Maxkamadda-Sare_FotorDigreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka, waxaa loo magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan, kadib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf, kaasoo xilkan hayay tan iyo xilligii dowladdii KMG aheyd.

Ibraahim Iidle Saleebaan, oo noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare,  ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka Guddoomiyaha, kadib munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Villa Somalia.

Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ahaa Garyaqaanka Guud ee Somaliland, kaasoo xilka iska casilay lix maalmood ka hor, iyadoo warqadiisa istiqaalada isagoo ka maqan Hargeysa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland si uu uga aqbalo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii July ee sanadkii 2011 u magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan Garyaqaanka Guud ee Somaliland.

Siilaanyo-777

Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta uusan is casilin uu ku wargeliyay Maamulka Somaliland inuu siminaar u aadayo dalka Koofur Afrika.

Magacaabista Ibraahim Iidle Saleebaan waxay maamulka Somaliland ku noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama muddo todobaad gudihiis inta uu iska casilay xilkii uu ka hayay Maamulka Somaliland, looguna magacaabay xil sare oo ah Maxkamadda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ka soo jeeda Gobolka Togdheer, waxaana ay is xigaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Guddoomiyihii hore Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa labadaba ka soo jeeda Gobolka Togdheer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here