Taariikh nololeedka Xildhibaankii isku qarxiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

saalaxIdaacad ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa xalay baahisay in qofkii isku qarxiyey saaka gegidda caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho uuu ahaa Saalax Badbaado oo horray u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii kumeel gaarka.

Idaacadda Andalus ayaa baahisay cod laga duubay Saalax Badbaado inta uusan fulin qaraxaas kaasoo uu ku sheegayo in ku faraxsan yahay weerarkaas.

Waxaa uu fariin u diray dadka ka soo jeeda goballada Waqooyi ee la baxay Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo isagoo ka codsaday in ay falkiisa oo kale ay sameeyaan, sidda uu hadalka u dhigay.

Taariikhdiisa oo kooban:

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa baarlamaankii Soomaaliya intii u dhexeysay 2000 ilaa 2009-kii, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab.

Saalax Bad-baado waxa uu ahaa aabo 57 jir ah soona maray maraaxilo kala duwan, waxa uu ku dhashay degmada lagu magacaabo (Gar-Adag) oo katirsan Gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here